Banner.png

SOMALI LINKS

Manchester City oo Caawa kulan adag oo tijaabo u ah Benitez kaga hortageysa Chelsea.

Ciyaartani oo ah mid adag islamarkaana ka tirsan horyalka ingiriiska ee Primerleage ayaa caawa waxa ay ka dhicidoontan garoonka Stamford Bridge ee kuyaala galbeedka magalada London waxaana kulankaani muhiimad gooni ah ugu fadhiyaa Macalinka Cusub ee kooxda Chelsea.

Ciyaarta ayaa ah mid labada dhinac muhiimad gooni ah ugu fadhida Man City waxa ay manka ku heysaa guushii xalay ee Man United ay kala wareegtay hoganka horyaalka dhanka chelsea xidigaheedana waxaa maankooda ka guuxaya guuldarooyin isxigxigay oo gaaray kooxda iyo Eryintii Macalinkoodii.

Waxa jira xidigo badan oo dhawacyo kuseegi doona kulanka adag ee Caawa Tababaraha kooxda Chelsea Rafa Benitez waxaa uu xaqijiyey inay jiraan dhaawacyo yar ayr oo kooxda ka dhaxjira kabtanka kooxdaasi John Terry ayaa dhawac anqawga ah kulankaan kuseegi doono waxaana uu sheegay macalinka inuu ka xunyahay dhaawac xidigaasi.

Waxa sidooakle Maqnan doona kulankan Frank Lampard iyo Daniel Sturridge kuwaa oo hargab kaga maqnaan doona kulanka caawa.

Macalin Roberto Mancini ayaa isna shaaciyey inuu shaki kujira kabtankiisa Vincent Kompany oo dhaawac lugta hoose ah qaba kaa oo soo gaaray kulanka Real Madrid ay la ciyareen Todobaadkii tagay.

He joins Gael Clichy Micah Richards ayaa labaduba wali maqnaan doona dhaawacyo ay qaban awgood halka dib uu usoo laban doono libaaxa Talyaaniga Mario Balotelli oo dhaawacyo mudo ah ku maqnan mudooyinkaan.

James Milner ayaa diyaar u ah hadii uu xusho macalinkiisa kulanka galabta inuu ciyaaro kadib ciyaar wanaagsan oo uu soo bandhigay kulankii Real Madrid.

Qab Ciyaareedka kulanka Caawa kooxda Cheslaea waxaa uu noqon doonaa 4-2-3-1.waxaana uu yahay mid ka duwan qaabkii uu ku ciyaari jiray tababarihii la cayriyey dhawan.
Chelsea waxaa garoonka usoo gali doona Cawa
Cech
Ivanovic, Cahill, Luiz, Cole
Mikel, Ramires
Hazard, Oscar, Mata
Torres
Man City ayaa iyana ciyaari doont weerar ka koobnaan doona 3-af si ay cadadis u sarto kooxda Chelsea waxana macquul ah inay iska garab ciyaraan Nasri, Tevez,Aguero
waxaa garoonka usoo gali doona Man City Caawa Xidigaha kala ah.
Hart
Maicon, Nastasic, Lescott, Zabaleta
Toure, Garcia
Silva, Nasri, Tevez
Aguero
Chelsea ayaan seddex kulan oo Stamford Bridge ah guuldarro la’aan noqonin tan iyo December 2008dii, laakiin waxaa laga badiyay labo ka mid ah 15kii kulan ee ugu danbeysay ee ay garoonkooda ku ciyaareen.

Rafael Benitez ayaa ah tababarihii 9aad ee intii uu milkiile ka ahaa Chelsea Roman Abramovich.

Weeraryahanka Manchester City Carlos Tevez ayaa dhaliyay lix gool lixdii kulan ee ugu danbeysay uu ka horyimid Chelsea.

Waxaa jirta shan rigoore oo la dhigay lixdii kulan ee ugu danbeysay ee ay labadaan kooxood wada ciyaareen.

Ciyarta Cawa waxa ay soo gali doontaan 7:oo Fiidnimo dhanka Muqdisho waxaana ay ka dhici doontaan Garoonka kooxda Chelsea waxaana garsoori doona ninka layiraahdo C. Foy.

Nagala Soo Xiriir Warqabad24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII