Waxaa mar walbo ciyaartoyda somaida markii ay ciyaaraha kaga qeyb galayaan meel ka baxsan waddanka Somaliya waxa dhabarka loo saaraa guuldarooyin xanuun badan.

Somalida ayaa taasi caado waxay unoqotay markii aad tiraahdo maanta ayaa somaliya waxay la ciyaareysaa waddan hebel jawaabta ay bixinayaan ay tahay waxba keeni maayaan waa laga badinayaa Somalida.

Niyad xumada intaa la’eg waxyaabaha keenay ayaa warqabad24.com udhabo galay waxaana uu soo ogaaday in xulashada ciyaartoyda qaranka Somaliya ubaxeyso lagu qaado qaab beeleed (4.5) taayoo dad badan ka caroodeen.

Kadib ciyaar xiisaheedu badnaa bilowgii ciyaarta shalay galabna dhexmartay somalida iyo Burundi xulkeeda ayaa waxay somalidu islahaayeen natiijo wanaagsan bay xulkeena keeni doonaan hayeeshee ma dhicin.

Inkastoo guuldarada iyo guushu labadaba ciyaaraha laga fisho hadana waxaa lala leeyahay xulka qaranka Somalida way ka jilicsan yihiin jir ahaan ciyaaryahanada kale ee kulamada la ciyaaraan.

5-1 ayey burundeesku xulkeeda ku garaaceen waxaana arintaasi guuldarada ah si weyn uga xumaadeen mujtamada Somaliyeed meel walbo ay joogaan.

Wariye kusugnaa garoona Mandela Stadium ee magaalada Kampalla oo ahayd kulankii shalay meesha lagu ciyaaray ayaa soo sheegaya in somalida laga xoog weynaa ciyaar wanaag ay soo bandhigeen kadibna afka ciida loo daray.

Qaar ka mid ah dadka somaliyeed ayaa xiriirka somaliyeed ee Kubada cagta ku eedeeyey inay iyagu ku xulaan ciyaartoyda sadbursi iyo qaab beeleed taas oo la sheegay intay waxaas socdaana aan hormar lagaari doonin.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf oo saxaafada la hadlay kadib guul daradii xulkeena Somalia ayaa sheegay in lagu dadaali doono si siman in gobollada dalka somaliya looga xuli doono ciyaaryahano waddanka matala.

Kubada cagta ayaa dadka daawada waxay ka aaminsan yihiin Somalidu inay yihiin kuwo ubaahan in jir ahaan laga dhiso si ay ula dagaalamaaan kubada ciyaaryahanada ay garoonka la galaan.

Xafiiska Wararka

Www.Warqabad24.com

Muqdisho-Somalia

E-mail:Warqabad24@gmail.com


Shabakada Warqabad24.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Warqabad24@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




A

B

ciil mooge Dhageyso:Wasiirka Warfaafinta oo saaka dalka kusoo laabtay kana warbixiyey Safarkiisii Dalka Turkiga
- May 3, 2013
Wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Somaliya C/llaahi Ciilmooge Xersi ...
1 Jose Mourinho oo la shaaciyey Wakhtiga rasmiga ah uu Chelsea ku laaban doono iyo Taageerayaal ku farxay arintaas
- May 3, 2013
Macalinka Kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa waxa la sheegay inay casho wadaag noqdeen ...
b6 Naadiga Benfica oo si dhib badan kusoo gaartay Finalka Koobka Uefa Cup-ka (DAAWO SAWIRADA)
- May 3, 2013
Labo gool uu dhaliyey  Cardozo  iyo goolka uu dhaliyey laacibka Gaitan ayey Naadiga Benfica ...
8 Kooxda Chelsea oo Finalka Koobka Europe League soo istaagtay kadib markii ay ka badiyeen Fc Basle (DAAWO SAWIRADA)
- May 3, 2013
Gool uu udhaliyey Naadiga Fc Basle ee dalka Swizarland Wiilka Masar udhashay ee Maxamed ...
amin iyo faroole Amin Arts oo Sawir gacmeedkiisa ku garaacay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole (SAWIR)
- May 3, 2013
Farshaxamiiste Amiin Amir ayaa sawir gacmeed la yaab leh ka sameeyey Kulamadii ugu dambeeyey ...
SHIISHAD Shiishada oo la sheegay in laga qaado in qofka cabaa uu noqonayo Ma dhaleys (Wax ma dhale)
- May 2, 2013
Qaar ka mid ah Meelo la iskugu tago magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayey cabista ...
MUSLIMIINTA BARMA Muslimiin Adduunka lagu ciqaabay iyo Gabdho nolol iyo geeri midna aan ku jirin Dalka…….?+SAWIR CADEYN AH
- May 2, 2013
Dalka MYNMAR ama BURMA ayaa waxa la tilmaamayaa in xaalad adag ay ku jiraan ...
jjj Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka oo ugacan haatiyey Taajiriinta Somaliyeed (WARSAXAAFADEED)
- May 2, 2013
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay dadka ...
cali axmed guure Dhageyso:Gudoomiye yiri “Isku xirnaan iyo Wada shaqeyn ayaa hormar lagu gaaraa shacabka Muqdishoow”
- May 2, 2013
Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Cali Axmed Guure ayaa waxa uu ku ...
bariise Dhageyso:20-sano kadib oo Saldhig kuyaalla Muqdisho oo maanta mar kale la qalabeeyey Ciidamana la geeyey
- May 2, 2013
Iyadoo dhamaan maamuladii dalka soo maray kadib Siyaad Barre dawladiisii ayaa maanta markii ugu ...