Ku sugnaanshaha caafimaad wanaagsan waxay ku jirtaa hadba sida qofku isaga ilaaliyo  arimaha u keeni kara qatarta ayn tahay in uu ka fogaado, tiiyoo ay ku lamaansan tahay dabciga nololeed oo seeto u ah xayndaabka bad qabka ama ku dhaca qatar kala duwan.

Cilmibaaris la xiriirta sugnaanshaha jawi caafimaad oo Raggu ku sugnaadaan waxay ku xiran tahay hadba sida qofku u ilaaliyo xaaladaha uu ku waarri karo, haddiise nolol maalmeedka caadigga ah uu ka gudbo ay keeni karto arimo fudud oo isku badali karo halis dhanka caafimaadka ah, waxaana ka mid ah caadooyinkaasi sahalka loo arko oo hadana horseedi kara dhibaatooyin kala duwan.

Dhakhtar aragti la’aanta:

Xog baaris la sameeyey oo laguna sameeyey Rag & haween fara badan ayaa waxaa lagu ogaadey in Raggu ka yar yihiin haweenka in qofku hadii uu dareemo caafimaad xumo uu tago Isbitaalka ama uu arko Dhakhtar.

Cilmibaaris ay sameysay hay’ada khayriga ah ee Golaha caafimaadka Ragga (Men’s Healthe Forum) ayaa lagu ogaadey in 20% ay raggu ka yar yihiin haweenka inay tagaan Isbitaalada, iyadoo xanuuno si sahal ah lagu dabiibi lahaa ay dhabaha u xaarto in ay noqdaan kuwa culus oo ugu dambeyn keena in loo geeriyoodo.

Cilmibaarayaashu waxay kula taliyeen Ragga inay u yeeshaan dhugmo/aragti durugsan hadii ay dareemaan xaalad caafimaad xumo, isla markaana ay tahay in ay si deg deg ah u tagaan goobaha caafimaadka halkii xanuunku daashan lahaa.

Sameyn la’aanta baaritaan caafimaad

Isla qodobka koowaad ayuu arinkan la xiriira waxaana daraasad la sameeyey lagu ogaadey in raggu ay ka yar yihiin haweenka isku sameeya baaritaan/hubin dhanka caafimaadka ah oo qofku kula soconayo fayyo qabkiisa caafimaad, iyadoo si gaar ah xog ururinta lagu ogaadey in ragga da’ada meesha dhexe ay u badan yihiin iska indho iyo dhego tirka baaritaan guud oo dhanka caafimaadka ah.

Ka hadlida dareenka si dhab ah

Daraasadu waxay kaloo xustey in Raggu ay aad uga yar yihiin haweenka marka ay timaado in si dhab ah qofku uga hadlo dareenkiisa, iyadoo la sheegay in 77% Raggu ay qarsadaan xaalado adag oo la soo darsa oo laga siin lahaa talo iyo tusaale lagaga gudbi lahaa, waxaana la sheegay in daah-saarida arinkan uu keeni karo halis dhanka caafimaadka ah oo ay ugu yar tahay isku buuq.

Haweenka ayaa la leeyahay waxay Ragga uga wanaagsan yihiin iyagoo si dhab ah uga hadla waxa ay tabanayaan iyo waxa ay ka qaldan hadii ay timaado su’aalo waydiin.

Marka laga hadlayo carrada ama xanaaqa qofka uu dareemo xiliyada qaar waxaa cilmibaaristu xustey in Raggu ay uga badan yihiin haweenka qarsashada taasi oo dhalin karta cuduro ay ka mid yihiin wadno xanuun (Heart Attack), ama dhiig kar (blood pressure).

Ku shaqeynta xiliyada qofku uu dameemayo walbahaar

Xog baaris ku qotonta dhanka caafimaadka oo ay sameysay hay’adda maxaliga ah ee dhanka caafimaadka qaabilsan ee  Medicash ee fadhigeedu yahay wadanka UK, waxay dhawaan ku xustey boggeeda Internet-ka ee http://www.medicash.org/ in 3 kun oo ah dad shaqeeya oo isagu jira rag iyo haween ay ku ogaatey in dadkaasi badankoodu ay shaqo qabtaan iyagoo dareemaya xaalado walbahaar ah, waxaana daraasadu xustey in dadkaasi ay noqdeen badankoodu Rag.

Daraasadu waxay sheegtey in Raggu ay haweenka uga badan yihiin qaadashada in ka badan afar jibaar fasaxa shaqo, waxaana daraasadu ku bixisey in walbahaarka dhanka shaqada ee qofku qabo uu ku xalin karo arimo ay ka mid yihiin in uu la hadlo qofka madaxda u ah, in uu sameeyo wadasheekaysi dad kale ah, in uu badasho shaqeediisa iyo waliba habka shaqo doonista, halkii uu isku keeni lahaa wayxeelo dhanka caafimaadka ah.

Qubayska Biyo Kulul

Horin cilmibaarayaal ah oo ka tirsan Jaamacada the University of California, San Francisco ee dalka Mareykanka oo u kuurgalid ku sameeyey habka qubeyska waxay ku ogaadeen in Raggu uga badan yihiin haweenka ku qubaysiga biyo kulul ama diiran.

Biyaha kulul ee qofku uu qabatimo in uu ku qubayso had iyo goor waxay Cilmibaarayaashu ku tilmaameen inay leedahay halis dhanka caafimaadka oo ay ugu weyn tahay yareynta habka Ragganimo & koriimada shahwada Ragga.

Daraasadan oo socotey mudo sadex sano ah waxay cilmibaarayaashu ku siiyeen Ragga inay ka digtoonaadaan inay mudo fara badan ku fariistaan tuubooyin kulul, waastooyinka biyaha oo kulul, iyo Isticmaalka mudada dheer lap top-ka oo la saarto jilbaha ama lugaha.

Nadaafada Musqulaha:

“Ma iska dhaqdaa gacmaha ka dib marka aad booqato Musqusha” ?, su’aashan waxaa lagu bilaabay ama horudhac looga dhigay warbixin laga soo saarey cilmibaaris ay sameysay hay’ada Society for Microbiology and the Soap and Detergent Association oo ah urur qaabilsan nadaafada, saabunta & Oomada isla markaana kaashanaya cilmibaaris kale oo uu gooni u sameeyey the London School of Hygiene & Tropical Medicine.

Labadaasi baaritaan oo wadajir loo soo saarey ayaa lagu muujiyey in Raggu uga yar yihiin haweenka marka ay timaado nadaafada Suuliga ama Musqusha, iyadoo la leeyahay Mid ka mid ah sadexdii Rag ah ee isticmaala Suuliga isagoo gacmaha dhaqan ayuu iska wataa hawlihii caadiga ahaa, iyadoo la xusey in Jeermiska gacmaha ay yihiin kuwa ugu badan ee keena halista dhanka caafimaadka.

Cadeyn la’aan:

Sida lagu ogaadey daraasad uu sameeyey ururka daryeelka ilkaha ee Mareykanka ee loo yaqaan American Dental Association, 66% oo kaliya ayaa Ragga ilkahooda nadiifiya ama cadeyda maalintii laba jeer , iyadoo taasi la barbar dhigay 86% haweenka oo arintaasi sameeya ugana fiican Ragga.

Cilmibaarista uu sameeyey ururkaasi oo lagu daabacay waregyska Journal of Periodontology waxaa lagu ogaadey in haweenku laba jibaar ay uga badan yihiin Ragga inay la socdaan xaalada caafimaad ee ilkahooda , iyadoo lagu xusey baaritaanka in daryeel la’aanta ilkaha ay keeni karto xanuuno kala duwan, iyadoo la xusey in xanjo ruugista jeermiska ka dhasha uu u gudbi karo afka intiisa kale ayna taasi dhalin karo halis dhanka caafimaadka ah.

Cunista Cuntooyinka deg deg ah (Fast Food) ama horey u qaadasha (Take away)

Cilmibaaris ay sameysay hay’adda Pew Research Center  oo fadhigeedu yahay wadanka Mareykanka isla markaana baaritaano kala duwan ku sameysay arimaha la xiriira bulshada waxay sheegtey in 47% Ragga ka mid ah ay cunaan cuntooyinka deg deg ah (fast Food) iyagoo uga yaraan hal mar todobaadkii cuna cuntooyinkaasi sida deg deg ah loo diyaariyey.

Daraasadu waxay sheegtey in haweenku ay ragga aad uga yar yihiin iyadoo xadiga haween ee sidaasi sameysa ay daraaasadu ku sheegtey 35%.

Cuntooyinka deg deg lagu diyaariyo ee ka duwan kuwa guryaha lagu kariyo waxay ka faa’ido ama nacfi yar yihiin kuwa sida caadiga ah guriga loogu diyaariyo, waxaana la sheegay inay ku badan yihiin waxyaabo caafimaad ahaan aan wanaagsaneyn sida saliida ayna ku yar tahay waxyaabo badan oo nafaqo u ahaan lahaa jirka oo waxtar u siyaadin lahaa.

Mowliid Xaaji Cabdi


Shabakada Warqabad24.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Warqabad24@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




A

B

ciil mooge Dhageyso:Wasiirka Warfaafinta oo saaka dalka kusoo laabtay kana warbixiyey Safarkiisii Dalka Turkiga
- May 3, 2013
Wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Somaliya C/llaahi Ciilmooge Xersi ...
1 Jose Mourinho oo la shaaciyey Wakhtiga rasmiga ah uu Chelsea ku laaban doono iyo Taageerayaal ku farxay arintaas
- May 3, 2013
Macalinka Kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa waxa la sheegay inay casho wadaag noqdeen ...
b6 Naadiga Benfica oo si dhib badan kusoo gaartay Finalka Koobka Uefa Cup-ka (DAAWO SAWIRADA)
- May 3, 2013
Labo gool uu dhaliyey  Cardozo  iyo goolka uu dhaliyey laacibka Gaitan ayey Naadiga Benfica ...
8 Kooxda Chelsea oo Finalka Koobka Europe League soo istaagtay kadib markii ay ka badiyeen Fc Basle (DAAWO SAWIRADA)
- May 3, 2013
Gool uu udhaliyey Naadiga Fc Basle ee dalka Swizarland Wiilka Masar udhashay ee Maxamed ...
amin iyo faroole Amin Arts oo Sawir gacmeedkiisa ku garaacay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole (SAWIR)
- May 3, 2013
Farshaxamiiste Amiin Amir ayaa sawir gacmeed la yaab leh ka sameeyey Kulamadii ugu dambeeyey ...
SHIISHAD Shiishada oo la sheegay in laga qaado in qofka cabaa uu noqonayo Ma dhaleys (Wax ma dhale)
- May 2, 2013
Qaar ka mid ah Meelo la iskugu tago magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayey cabista ...
MUSLIMIINTA BARMA Muslimiin Adduunka lagu ciqaabay iyo Gabdho nolol iyo geeri midna aan ku jirin Dalka…….?+SAWIR CADEYN AH
- May 2, 2013
Dalka MYNMAR ama BURMA ayaa waxa la tilmaamayaa in xaalad adag ay ku jiraan ...
jjj Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka oo ugacan haatiyey Taajiriinta Somaliyeed (WARSAXAAFADEED)
- May 2, 2013
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay dadka ...
cali axmed guure Dhageyso:Gudoomiye yiri “Isku xirnaan iyo Wada shaqeyn ayaa hormar lagu gaaraa shacabka Muqdishoow”
- May 2, 2013
Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Cali Axmed Guure ayaa waxa uu ku ...
bariise Dhageyso:20-sano kadib oo Saldhig kuyaalla Muqdisho oo maanta mar kale la qalabeeyey Ciidamana la geeyey
- May 2, 2013
Iyadoo dhamaan maamuladii dalka soo maray kadib Siyaad Barre dawladiisii ayaa maanta markii ugu ...