Khabiir ka socda shirkada dhismaha garoomada kubada cagta ee dagan dalka Holland Greenfield  ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu u gogolo cowska garoonka oo uu ku socdo dhisme  lagu maal gelinayo mashruuca FIFA ee {WIN IN AFRICA WITH AFRICA} kaasoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalkii ugu dambeeyay Africa eeka faa’iideysanaya sida uu sheegay xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Khabiirkan dhinaca farsamada Goglista Cows-ka ah ee lagu magacaabo Lex Vander  iyo madax ka socotay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo ay hogaaminayeen xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab iyo xubin guddiga fulinta ahna madaxa tartamada Cali Cabdi Maxamed (Shiine) ayaa maamuusay bilaabida howsha dhigista cows-ka munaasabad ka dhacday garoonka gudihiisa maanta.

Mr. Lex vander ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho Jimcihii lsoo dhaafay waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cade kusoo dhaseeyay xoghayaha Guud Cabdi Qani iyo madaxa tartamada Cali Shiine.

“Maanta halkan ayaan joognaa si aan u hubiyo aas aaska iyo shaqada dhismaha ee horay usii socotay kaddibna waxaan bilaabi doonaa howsha dhigista cows-ka—sida iiqu qoran jadwalka ay FIFA isoo siisayna waxaan ku rajo weynahay in dhigista cowska aan soo dhameeyo 20-ka bisha December”ayuu yiri khabiirka oo horay ugusoo guuleystay cows dhigista garoomo badan oo ku yaala Africa.

Madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, masuuliyiinta Shirkada EMECO ee la siiyay qandaraaska local-ka ah iyo khabiirka ayaa yeeshay kulan saacado qaatay oo looga hadlayay arrintan sidii loogusoo gabagabeyn  lahaa mudadii loo qorsheeyay, iyadoo madaxda xiriirku ay sheegeen in ay waajib tahay howsha in waqtiga loogu tala galay ay kusoo dhamaato.

“Shaqada dhismaha waa in lagusoo gabagabeeyo mudada todobaadyada ah  ee khabiirku sheegay—ma aqbali kareyno in shaqadu ka dib dhacdo mudada hada u qorsheysan—FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxay doonayaan in ay helaan garoonka oo cowsku saaran yahay bishan 20-keeda”ayuu yiri xoghayaha guud oo kulankaa ka hadlay.

Xoghayaha guud waxaaa uu intaa ku daray in marka khabiirku soo dhameeyo cows dhigista  kaddib ay shirkada EMECO bilaabi doonto dhismaha qeybihiisa kale sida VIP-da, dhismaha weyn ee ciyaartoyda qaranku ay ku xaroon doonaan, Baar garoonku yeelan doono iyo qeybaha kale ee dhismaha wareega ka harsan”ayuu yiri xoghayuhu.

Waxaa uu xoghayuhu sheegay in qeybta VIP-da ay ka koobnaan doonto laba qeybood oo kala ah qeyb ay madaxda sare ee dalku fariisan doonaan sida madaxweynaha, ra’isul wasaaraha, guddoomiyaha xiriirka iyo hadii ay mustaqbalka dalka yimaadaan maddax ka socota FIFA ama CAF, halka qeybta kalana ay fariisan doonaan masuuliyiinta kale ee dowalda iyo kuwa xiriirka.

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu aad usoo dhaweynayaa talaabada FIFA ku horumarineyso kubada cagta Soomaaliya, FIFA waxay mar kasta garab taagneed Soomaaliya oo ah dal dagaalo si ba’an u halakeeyeen—FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku taamayeen in mar uun ay arkaan horyaalka Soomaaliya oo lagu qabanayo garoon Stander caalami ah leh waana dheceysa taansi mar dhow insha Allah”ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay xoghayaha guud Mr.Cabdi Qani Saciid Carab maanta.

Waxaa uu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu aad ugu rajo weynyahay in cayaaraha caalamiga ah uu ku marti geliyo dalka gudihiisa laga bilaabo sanadka dambe waxaase taasi ay imaaneysaa hadii xaalada amaan ee dcalka soomaaliya ay hagaagto.

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu balan qaadayaa in shirkada EMECO iyo khabiirkanba uu  la garab istaago wax kasta oo caawimaad ah si uu ugu fudueeyo in ay howsha ugu gutaan si wanaagsan uguna dhameeyaan waqtiga loo qorsheeyay ”ayuu xoghayaha guud ku yiri war saxaafadeedkiisa.

Sababo la xariira dagaalo ka dhacayay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxaa hakaday dhismihii garoonkan dabayaaqadii sanadkii 2009-kii kaddib markii mintidiinta Soomaaliya ka dagaalnata ya la wareegeen garoonka islamarkaana qaateen dhamaan qalabklii dhismaha ee yaalay.

Howsha dhismaha xiligaas 50% ayaa la dhameystiray laakin wax kasta kaddib waxay noqdeen in meel Eber ah lagasoo bilaabo.

By Shaafici Muxuyadiin Abuukar


Shabakada Warqabad24.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Warqabad24@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




A

B

ciil mooge Dhageyso:Wasiirka Warfaafinta oo saaka dalka kusoo laabtay kana warbixiyey Safarkiisii Dalka Turkiga
- May 3, 2013
Wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Somaliya C/llaahi Ciilmooge Xersi ...
1 Jose Mourinho oo la shaaciyey Wakhtiga rasmiga ah uu Chelsea ku laaban doono iyo Taageerayaal ku farxay arintaas
- May 3, 2013
Macalinka Kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa waxa la sheegay inay casho wadaag noqdeen ...
b6 Naadiga Benfica oo si dhib badan kusoo gaartay Finalka Koobka Uefa Cup-ka (DAAWO SAWIRADA)
- May 3, 2013
Labo gool uu dhaliyey  Cardozo  iyo goolka uu dhaliyey laacibka Gaitan ayey Naadiga Benfica ...
8 Kooxda Chelsea oo Finalka Koobka Europe League soo istaagtay kadib markii ay ka badiyeen Fc Basle (DAAWO SAWIRADA)
- May 3, 2013
Gool uu udhaliyey Naadiga Fc Basle ee dalka Swizarland Wiilka Masar udhashay ee Maxamed ...
amin iyo faroole Amin Arts oo Sawir gacmeedkiisa ku garaacay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole (SAWIR)
- May 3, 2013
Farshaxamiiste Amiin Amir ayaa sawir gacmeed la yaab leh ka sameeyey Kulamadii ugu dambeeyey ...
SHIISHAD Shiishada oo la sheegay in laga qaado in qofka cabaa uu noqonayo Ma dhaleys (Wax ma dhale)
- May 2, 2013
Qaar ka mid ah Meelo la iskugu tago magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayey cabista ...
MUSLIMIINTA BARMA Muslimiin Adduunka lagu ciqaabay iyo Gabdho nolol iyo geeri midna aan ku jirin Dalka…….?+SAWIR CADEYN AH
- May 2, 2013
Dalka MYNMAR ama BURMA ayaa waxa la tilmaamayaa in xaalad adag ay ku jiraan ...
jjj Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka oo ugacan haatiyey Taajiriinta Somaliyeed (WARSAXAAFADEED)
- May 2, 2013
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay dadka ...
cali axmed guure Dhageyso:Gudoomiye yiri “Isku xirnaan iyo Wada shaqeyn ayaa hormar lagu gaaraa shacabka Muqdishoow”
- May 2, 2013
Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Cali Axmed Guure ayaa waxa uu ku ...
bariise Dhageyso:20-sano kadib oo Saldhig kuyaalla Muqdisho oo maanta mar kale la qalabeeyey Ciidamana la geeyey
- May 2, 2013
Iyadoo dhamaan maamuladii dalka soo maray kadib Siyaad Barre dawladiisii ayaa maanta markii ugu ...