Waxaa duhurnimadii maanta lasoo gaba-gabeeyey banaanbax lagu taageerayey hadalkii dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud kaasi oo ahaa in dhamaanba la qaado isbaarooyinki yaallay isgoysyada muqdisho.

Banaanbaxa oo maanta ka dhacay garoonka Kubada Koleyga ee Ex luujino ayaa waxa ka qeyb galay madax katirsan Dawlada Somaliya,ururada bulshada rayidka iyo dadweyne ka kala yimid 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Dibadbaxyaasha ayaa si cod dheer ah usheegay inay taageersan yihiin go’aankii madaxweynaha Somaliya uu ku qaatay in muqdisho laga tir tiro isbaarooyinkii lacagaha baada ahayd ee gaadiidka BL-ka looga qaadi jiray.

Wasiirka Wasaarada howlaha guud iyo guryenta Muxuyadiin Maxamed Kaalmooy oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in muqdisho laga waayey isbaarooyinkii uguna baaqay shacabka inay nabada ka shaqeeyaan si loola dagaalamo kooxaha nabad darada wada.

Gudoomiye kuxigeenka Dhinaca siyaasada gobolka Banaadir  Cali Axmed Guure ayaa sheegay inay tallaabadan ay tahay mid dawlada ay qaadey uguna baaqay shacabka iyo gaadiidleyda inay dhowraan wado marista muqdisho.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Dayniile Daahir Xasan Xuseen oo halkaasi isna khudbad ka jeediyey ayaa ugu baaqay darawalada gaadiidka inay qiimo dhimis ku sameeyaan lacagaha lagu raaco baabuurta Bl-ka ah.

Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale daqiiqad umurugooday dadkii maanta oo kale 3 December 2009 lagu xasuuqay hotelka Shaamow kuwaasi oo arday iyo mas’uuliyiin dawlada xaflad qalin jabin ahayd oo ay ka qeyb galayeen shabaabku qarax ismiidaamin ah ku fuliyeen.

Inkastoo Dibadbuxu ujeedkiisu ahaa hadalkii madaxweyne Xasan shiikh Maxamuud mid lagu taageerayey ee ahaa isbaarooyinkii la qaaday ayaa hadana waxaa lagu lifaaqay in loo istaago daqiiqadi dadkii ku baaba’ay qaraxi shaamoow ka dhacay 2009 maanta oo kale.

Xafiiska Wararka

Www.Warqabad24.com

Muqdisho-Somalia

E-mail:Warqabad24@gmail.com


Shabakada Warqabad24.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Warqabad24@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




A

B

ciil mooge Dhageyso:Wasiirka Warfaafinta oo saaka dalka kusoo laabtay kana warbixiyey Safarkiisii Dalka Turkiga
- May 3, 2013
Wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Somaliya C/llaahi Ciilmooge Xersi ...
1 Jose Mourinho oo la shaaciyey Wakhtiga rasmiga ah uu Chelsea ku laaban doono iyo Taageerayaal ku farxay arintaas
- May 3, 2013
Macalinka Kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa waxa la sheegay inay casho wadaag noqdeen ...
b6 Naadiga Benfica oo si dhib badan kusoo gaartay Finalka Koobka Uefa Cup-ka (DAAWO SAWIRADA)
- May 3, 2013
Labo gool uu dhaliyey  Cardozo  iyo goolka uu dhaliyey laacibka Gaitan ayey Naadiga Benfica ...
8 Kooxda Chelsea oo Finalka Koobka Europe League soo istaagtay kadib markii ay ka badiyeen Fc Basle (DAAWO SAWIRADA)
- May 3, 2013
Gool uu udhaliyey Naadiga Fc Basle ee dalka Swizarland Wiilka Masar udhashay ee Maxamed ...
amin iyo faroole Amin Arts oo Sawir gacmeedkiisa ku garaacay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole (SAWIR)
- May 3, 2013
Farshaxamiiste Amiin Amir ayaa sawir gacmeed la yaab leh ka sameeyey Kulamadii ugu dambeeyey ...
SHIISHAD Shiishada oo la sheegay in laga qaado in qofka cabaa uu noqonayo Ma dhaleys (Wax ma dhale)
- May 2, 2013
Qaar ka mid ah Meelo la iskugu tago magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayey cabista ...
MUSLIMIINTA BARMA Muslimiin Adduunka lagu ciqaabay iyo Gabdho nolol iyo geeri midna aan ku jirin Dalka…….?+SAWIR CADEYN AH
- May 2, 2013
Dalka MYNMAR ama BURMA ayaa waxa la tilmaamayaa in xaalad adag ay ku jiraan ...
jjj Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka oo ugacan haatiyey Taajiriinta Somaliyeed (WARSAXAAFADEED)
- May 2, 2013
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay dadka ...
cali axmed guure Dhageyso:Gudoomiye yiri “Isku xirnaan iyo Wada shaqeyn ayaa hormar lagu gaaraa shacabka Muqdishoow”
- May 2, 2013
Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Cali Axmed Guure ayaa waxa uu ku ...
bariise Dhageyso:20-sano kadib oo Saldhig kuyaalla Muqdisho oo maanta mar kale la qalabeeyey Ciidamana la geeyey
- May 2, 2013
Iyadoo dhamaan maamuladii dalka soo maray kadib Siyaad Barre dawladiisii ayaa maanta markii ugu ...