Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa manta lagu qabtay magaalada muqdisho taasi oo loogu dabaal dagayey maalinta Naafada Adduunka.

Xaflada ayaa waxa ka qeyb galay mas’uuliyiin katirsan dawlada Somaliya,qeybaha bulshada,golaha naafada qaranka somaluyeed iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Wasaarada Arimaha Bulshada Xukuumada Cusub ee Somalia Aweys Xadaad ayaa waxa uu sheegay inay wasaaradooda ku dadaalo doonto inay sidii fursado shaqo ay ugu abuuri lahaayeen naafada Somaliyeed.

Sidoo kale halkaasi waxaa khudbad dheer ka jeediyeyAgaasimaha Wasaarada Gaadiidka cirka,badda iyo dhulka Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) waxaana uu sheegay inay caalamka ka codsanayan caawimaada dadka naafada ah.

C/salaam Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah shaqaalaha Xukuumada Somaliya ayaa isaguna halkaasi ka ballan qaaday inay sanadkaan qaadan doonaan 200 oo qofood naafo ah si ay ugu tababartaan fursado ay ku shaqeysan karaan.

“200 qofood oo Naafada Muqdisho ku dhaqan ayaan qaadan doonaa,waxaan aaminsanahay inay noqon doonto fursad qaali ah 15 jir ilaa 40 jir inta udhaxeyso ayaan qaadan doonaa ayuu yiri C/salaam ibraahim”.

Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadashay Hooyo da’ ah oo lagu magacaabo Faadumo Yuusuf waxaana ay ka mid ahayd naafadii manta lagu casuumay xaflada sheegtayna inay ubaahan yihiin gar gaar in lagaarsiiyo.

Maanta oo kale 3 December waxaa caalamka loo dabaal dagaa Maalinta Naafada Adduunka waxaana dad badan oo naafo ah ay ku dhibaateysan yihiin magaalada muqdisho ee Caasimada Somalia.

Xafiiska wararka

Www.Warqabad24.com

Muqdisho-Somalia

E-mail:Warqabad24@gmail.com


Shabakada Warqabad24.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Warqabad24@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




A

B

31_MAY_2013-300x194 Xalka Jubbaland ma lagu xallin karaa xeeladda baabuurta Japan?
- Jun 5, 2013
Akhristow inta aanan u gelin ujeeddada qoraalkeyga oo ah sidii xal loogu heli lahaa ...
jaceylka Maqaal xiiso badan Waxtarka kala guursiga Axmed C/samad
- Jun 5, 2013
Diinta islaamku guurka waxay ka leedahay ujeeddooyin waaweyn oo la doonayo in lagu xaqiijiyo, ...
sawir-kow Dhageyso Madaxweynaha Soomaaliya.Madaxweyne Faroole iyo Axmed Madoobe oo Nairobi kuwada sugan
- Jun 5, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Nairobi ee dalka ...
Baydhabo Dhageyso wafdi ka socda UNSOM oo tagay Baydhabo iyo ujeedka ay utageen
- Jun 5, 2013
Xubno ka socda Xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya ee UNSOM ayaa shalay ...
Abuu cabdala Dhageyso Shabaab oo shaki geliyay nolosha Saraakiil AMISOM oo ay gacanta ku hayaan
- Jun 5, 2013
Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay askar AMISOM oo ay sheegeen inay gacanta ku hayaan ...
ciil mooge Dhageyso:Wasiirka Warfaafinta oo saaka dalka kusoo laabtay kana warbixiyey Safarkiisii Dalka Turkiga
- May 3, 2013
Wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Somaliya C/llaahi Ciilmooge Xersi ...
1 Jose Mourinho oo la shaaciyey Wakhtiga rasmiga ah uu Chelsea ku laaban doono iyo Taageerayaal ku farxay arintaas
- May 3, 2013
Macalinka Kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa waxa la sheegay inay casho wadaag noqdeen ...
b6 Naadiga Benfica oo si dhib badan kusoo gaartay Finalka Koobka Uefa Cup-ka (DAAWO SAWIRADA)
- May 3, 2013
Labo gool uu dhaliyey  Cardozo  iyo goolka uu dhaliyey laacibka Gaitan ayey Naadiga Benfica ...
8 Kooxda Chelsea oo Finalka Koobka Europe League soo istaagtay kadib markii ay ka badiyeen Fc Basle (DAAWO SAWIRADA)
- May 3, 2013
Gool uu udhaliyey Naadiga Fc Basle ee dalka Swizarland Wiilka Masar udhashay ee Maxamed ...
amin iyo faroole Amin Arts oo Sawir gacmeedkiisa ku garaacay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole (SAWIR)
- May 3, 2013
Farshaxamiiste Amiin Amir ayaa sawir gacmeed la yaab leh ka sameeyey Kulamadii ugu dambeeyey ...