Banner.png

SOMALI LINKS

Haweeyney qaad iibineysay oo lagu gawracay Hargeysa iyo ninkii sameyey falkaas oo lugihiisa ku tagay saldhiga si loo xiro (Warbixin Kooban)

Sida ay kuwaramayaan dadka ku dhaqan magaalada hargeysa Ee Xarunta Somaliland ayaa waxay sheegayaan in xalay abaare 9:00 fiidnimo nin hubeysan uu fal dhaawac ah ugu geystay haweyney qaad walo ahayd.

Ninka falka geystay oo ahaa tumaal dhinaca biraha ah ayaa waxa lagu magacaabaa Siciid Muxumed  (ina Cirro weyne) si weyna looga yaqaano magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Waxa uu fal dhaawac ah ugeystay haweyney qaadwalo ahayd oo lagu magacaabo Ardo Muumin waxaana arintaasi ay ka dambeysay markii ninkaasi oo ka careysnaa xisbigiisii laga awood roonaaday ay wax ka sheegtay.

ina Cirro weyne ayaa waxa la sheegay in mindida uu kaga gawracay Ardo caloosha,qoorta iyo gacanta waxaana dhaawac culus oo haweyneydaasi soo gaaray kadib isla xalay loola cararay cusbitaalka Magaalada Hargeysa.

Ninka Falka geystay ayaa isagu meeshii loo maleynayey inuu baxsado waxa uu isaga lugihiisa ku tagay saldhiga Booliska Ciidamada Somaliland ee Hargeysa waxaana uu sheegay in fal dambi ah uu galay in la xirana is amray.

Ciidamada Booliska Saldhiga Hargeysa ayaa xabsiga utaxaabay Siciid Muxumed oo ah ninkii falka geystay waxaana iminka socda baaritaano lagu hayo caafimaad ahaan sida maskaxiyan uu yahay ninkaasi.

Dadka ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa waxay hadal hayaan dhacdadii xalay ka dhacday bartamaha magaalada Hargeysa ee ninka uu ku gawracay haweyneyda qaadka iibineysay inkastoo haweyneydaasi geeriyoon hayeeshee dhaawac culus iminka ujiifta cusbitaalka Hargeysa.

Xafiiska Wararka

Www.Warqabad24.com

Muqdisho-Somalia

E-mail:Warqabad24@gmail.com

Nagala Soo Xiriir Warqabad24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII