Gudoomiyaha Al shabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Jeesto) oo ka qeyb galayey maanta barnaamij ka baxa mid ka mid ah idaacadaha taageera ayaa waxa uu ugu horeyn kaga hadlay amaanka magaalada Muqdisho.
Sh.Cali Maxamed Xuseen (Jeesto) ayaa waxa uu tibaaxay in howlgalo ballaaran ay maalmihii udambeeyey ka sameynayeen xaafado kuyaalla magaalada muqdisho inta badana howlgaladaasi uu ku tilmaamay mid najaxay.
Gudoomiyaha Banaan jooga ka ah gobolka Banaadir ee Ururka Al shabaab Sh.Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ciidamada dawlada ay khasaaro xoogan ugu geysteen weeraradii ay ku qaadeen fariisimaha muqdisho sida heliwaa iyo Dayniile ayuu sheegay gudoomiyaha.
Al shabaab gudoomiyaha ugu magacaaban gobolka Banaadir Sh.Cali Maxamed Xuseen ayaa ku hanjabay in dhawaan la maqli doono war ay shacabka muslimiinta ku farxaan uuna ku sheegay in Muqdisho ay iyagu maamulkeeda la wareegi doonaan.
Hoos ku dhufo hadalka Cali Maxamed Xuseen (Jeesto) gudoomiyaha al shabaab ee gobolka Banaadir
HADALKA CALI JEESTO GUDOOMIYAHA AL SHABAAB UGU MAGACAABAN GOBOLKA BANAADIR
Xafiiska Wararka
Www.Warqabad24.com
Muqdisho-Somalia
E-mail:Warqabad24@gmail.com













