Sida uu usheegay Warqabad24.com Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya C/qani Maxamed Waceys waxa xabsiga laga siidaayay ku dhawaad 30-dhalinyaro Soomaali ah kuwaasi oo in muddo ah xabsiga ku xirnaa.
C/qani Maxamed Waceys ayaa sheegay in dadaalo dheeri ah oo ays afaarada sameeysay ay ugu guuleesteen inay xabsiga kasii daayaan dhalinyaradaasi oo maamulka KMg ah ee dalka Liibiya u xirnaa.
Safiirka ayaa sheegay in iminka ay xabsiyada ku jiraan ku dhawaad 300-oo dhalinyaro Soomaali ah kuwaasi oo uu tilmaamay in iminka ay ku howlan yihiin sidii ay uga sii deyn lahaayeen xabsiga.
Wareysiga uu siiyay warqabad24.com sidoo kale wuxuu ku sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed uu uga digayo inay soo aadaan tahriib isalmarkana ay iska joogaan dalkooda hooyo oo ay wax ku bartaan kana shaqeestaan.
Eedeen ayuu ujeediyay dad Soomaali ah oo ku sugan dalka Suudaan oo uu sheegay inay ka shaqeeyaan marin habaabinta dadka Soomaalida ah ee soo mara dalkaasi kuwaasi oo u sheegaya in tahriibka uu yahay mid fudud.
Hoos ku dhufo si aad udhageysato Wareysiga Safiirka Somalia ujooga Libiya C/qani Waceys
DHAGEYSO WAREYSI AAN LA YEELANAY SAFIIRKA SOMALIYA EE LIBIYA CABDI QANI MAXAMED WACEYS
Xafiiska Wararka
Www.Warqabad24.com
Muqdisho-Somalia
E-mail:Warqabad24@gmail.com













