Waxaa sidaan hore ugu ballan qaadnay macaamiisheena waxaa inoo suura-gashay helitaanka shirkii jaraa’id ee madaxweynaha uu ku qabtay gudaha garoonka diyaaradaha Adan cadde airport ee magaalada Muqdisho waxaana uu kaga hadlay arimo farabadan.
Professor Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu horeyn ka hadlay qarax dad badan ku waxyeloobeen oo xalay ka dhacay Xaafada islii gaar ahaan masjidka Al Hidaaya isagoona uga tacsiyey wixi ka dhacay halkaasi.
Waxa kale uu shirka jaraa’id kaga hadlay madaxweynaha Somaliya kulamadii uu lasoo qaatay madaxda dawlada Turkiga islamarkaana sheegay inay dhawaan heshiis waxtar leh la geli doonan dawlada Turkiga.
Hoos ku dhufo si aad udhageysato shirkii jaraa’id ee Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud
DHAGEYSO SHIRKA JARAA’ID MADAXWEYNE XASAN SHIIKH MAXAMUUD
Xafiiska Wararka
Www.Warqabad24.com
Muqdisho-Somalia
E-mail:Warqabad24@gmail.com













