Iyadoo qarax aad uxooganaa uu xalay ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxa iminka soo baxaya faah faahino ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxaasi iyo kadib howlgalo la sameeyey.

Qaraxa ayaa waxa la sheegay inuu ka dhacay afaafka hore ee masaajidka Al hidaaya ee kuyaalla Wadada Jaam Street ee kuyaalla magaalada Nairobi waxaana dadkii dhaawacmay badi ay yihiin kuwo helay adeeg caafimaad.

Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi (Indha-gamuun) ayaa waxa la sheegay in qaliin lagu sameeyey kaasi oo firiro ku jiray laga soo bixiyey.

Ehelada Yuusuf Xasan ayaa waxay Warqabad24.com usheegeen in xaalada Mudanahan Baarlamaanka Kenya katirsan ay iminka wanaagsan tahay qaliin lagu sameeyeyna lagu guuleystay.

Dhaawaca xildhibaanka marka laga soo tago waxaa kaloo jira dad kor udhaafaya 14 qofood oo iyana ku dhaawacmay qaraxii xalay waxaana badi dadka loo sameyey xaalado caafimaad kuwii darnaa ayaa la dhigay cusbitaalka kuwii yara fiicnaa ayaa iyaguna dib loo celiyey adeega markii loo fidiyey.

Dhinaca kale Howlgalo ballaaran oo ciidamada Amaanka kenya ka sameeyeen Xaafada Islii ayey gacanta waxay kusoo dhigeen dad lala xiriirinayo qaraxii xalay ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

In kabadan 100 qofood oo somali ah ayey shan saacadood gudahood howlgalka ku qabteen iyagoona xabsiga utaxaabay kuwaasi oo lagu tuhmay ku lug lahaanshaha qaraxii xalay ka dhacay afaafka hore ee masjidka Al hidaaya.

Wali howlgalada waa kuwo ka socda magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii waxaana hakad ku jira goobihi ganacsi ee kuyaallay agagaarka goobtii xalay qaraxa uu ka dhacay ee wadada jaam street.

Wixii kasoo kordho insha allah dib kala soco Www.Warqabad24.com

Xafiiska Wararka

Www.Warqabad24.com

Muqdisho-Somalia

E-mail:Warqabad24@gmail.com


Shabakada Warqabad24.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Warqabad24@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




A

B

ciil mooge Dhageyso:Wasiirka Warfaafinta oo saaka dalka kusoo laabtay kana warbixiyey Safarkiisii Dalka Turkiga
- May 3, 2013
Wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Somaliya C/llaahi Ciilmooge Xersi ...
1 Jose Mourinho oo la shaaciyey Wakhtiga rasmiga ah uu Chelsea ku laaban doono iyo Taageerayaal ku farxay arintaas
- May 3, 2013
Macalinka Kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa waxa la sheegay inay casho wadaag noqdeen ...
b6 Naadiga Benfica oo si dhib badan kusoo gaartay Finalka Koobka Uefa Cup-ka (DAAWO SAWIRADA)
- May 3, 2013
Labo gool uu dhaliyey  Cardozo  iyo goolka uu dhaliyey laacibka Gaitan ayey Naadiga Benfica ...
8 Kooxda Chelsea oo Finalka Koobka Europe League soo istaagtay kadib markii ay ka badiyeen Fc Basle (DAAWO SAWIRADA)
- May 3, 2013
Gool uu udhaliyey Naadiga Fc Basle ee dalka Swizarland Wiilka Masar udhashay ee Maxamed ...
amin iyo faroole Amin Arts oo Sawir gacmeedkiisa ku garaacay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole (SAWIR)
- May 3, 2013
Farshaxamiiste Amiin Amir ayaa sawir gacmeed la yaab leh ka sameeyey Kulamadii ugu dambeeyey ...
SHIISHAD Shiishada oo la sheegay in laga qaado in qofka cabaa uu noqonayo Ma dhaleys (Wax ma dhale)
- May 2, 2013
Qaar ka mid ah Meelo la iskugu tago magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayey cabista ...
MUSLIMIINTA BARMA Muslimiin Adduunka lagu ciqaabay iyo Gabdho nolol iyo geeri midna aan ku jirin Dalka…….?+SAWIR CADEYN AH
- May 2, 2013
Dalka MYNMAR ama BURMA ayaa waxa la tilmaamayaa in xaalad adag ay ku jiraan ...
jjj Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka oo ugacan haatiyey Taajiriinta Somaliyeed (WARSAXAAFADEED)
- May 2, 2013
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay dadka ...
cali axmed guure Dhageyso:Gudoomiye yiri “Isku xirnaan iyo Wada shaqeyn ayaa hormar lagu gaaraa shacabka Muqdishoow”
- May 2, 2013
Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Cali Axmed Guure ayaa waxa uu ku ...
bariise Dhageyso:20-sano kadib oo Saldhig kuyaalla Muqdisho oo maanta mar kale la qalabeeyey Ciidamana la geeyey
- May 2, 2013
Iyadoo dhamaan maamuladii dalka soo maray kadib Siyaad Barre dawladiisii ayaa maanta markii ugu ...