Banner.png

SOMALI LINKS

Deg deg:Kulan hadda ka socda Magaalada Baladweyne iyo Wafdigii Halkaasi gaaray oo kulanka ka qeyb galaya (Warbixin)

Warar hadda naga soo gaaray magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka hiiraan ayaa waxay sheegayaan in iminka kulan uu kasocdo magaaladaasi kaasi oo udhaxeeya Wafdi xildhibaano iyo fanaaniin iskugu jiray iyo Maamulka gobolka hiiraan.

Wariye kusugan magaalada B/weyne ayaa kusoo waramaya in xildhibaanada duhurnimadii gaaray magaaladaasi iminka ay kulan la qaadanayaan gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax iyo saraakiil Ciidamada Jabuuti hogaan u’ah.

Kulanka oo saxaafada banaanka ka joogto ayaa waxa la sheegay inuu udhaxeeyo Maamulka gobolka hiiraan ee dawlada,saraakiisha amisom kuwooda Jabuuti ka socda iyo mas’uuliyiinta Xildhibaanada baarlamaanka ah iyo fanaaniinta maanta B/weyne tagay.

Ujeedka kulanka ayaa ah sidii lagu kala war qaadan lahaa arimaha amaanka iyo hormarinta bulshada gobolkaasi maadaama wafdiga maanta halkaas gaaray ay yihiin kuwo gobolka hiiraan kasoo jeeda.

Waxaa lagu wadaa fanaaniinta iyo xildhibaanada gaaray magaalada Baladweyne maanta ay sidoo kale lagu wadaa inay kormeer ku tagaan sida qorshaha uu yahay deegaanadii bilo ka hor wabiga shabelle uu ku fatahay tuulooyin hoostaga magaalada B/weyne.

Wixii kulankaasi ka socda Magaalada Baladweyne dib kala soco insha allah

Xafiiska Wararka

Www.Warqabad24.com

Muqdisho-Somalia

E-mail:Warqabad24@gmail.com

Nagala Soo Xiriir Warqabad24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII