Golaha deegaanka Tuulo lagu magacaabo  Sunderbari oo ku taal wadanka Hindiya ayaa ku soo rogay haweenka ku dhaqan deegaankaasi inaan lagu arki karin iyagoo isticmaalaya telefoonada gacanta ee Mobile-ka,  taasi oo ay u cuskadeen in telefoonadaasi ay ku yihiin ceeb iyo waji gabax bulshada.

Tuulada Sunderbari oo ka tirsan gobolka Patna ee waqooyiga bari ee dalka Hindiya waa deegaan ay ku badan yihiin Muslimiinta wadanka Hidniya, waxaana deegaankaasi uu 385 Km u jiraa magaalo madaxda gobolkaasi ee Pihar.

Wakaalada wararka Reuters oo warkan faafisay waxay ka soo xigatey maamulka deegaankaasi in telefoonada Mobile-ka ay keeneen dhibaatooyin ay ka mid yihiin in gabdho rag ay la baxsadeen, iyadoo raali aanay ka aheyn waalidkood, in ay kordhaan arimaha mucaashiqiinta iyo hasaawaha arintaasi oo uu si wqeyn u sahlay mobile-da.

“Waxay arintan mar kasta nagu noqotaa waji gabax, marka xili kasta la iswyadiiyo yaa la masaafeystey taasi waxay ku tahay bulshada sumcad xumo” ayuu yiri Manuwar Alam, oo madax ka ah gudi loo soo saarey inay si awood ah u dhaqan galiyaan amarada ku jihaysan in haweenku aanay isticmaali Karin mobile-da.

Go’aanka ka soo baxay golaha deegaanka wuxuu ganaax ku soo rogayaa haweenaydii lagu arko iyadoo isticmaalaysaa mobile, waxaana loo kala qaaday laba qaybood.

Haweenaydii la qabo ee lagu arko iyadoo mobile isticmaalaysaa waxaa la ganaaxayaa 2000 oo Ruppee oo ah lacagta wadanka Hindiya oo u dhiganta 36 doolar, laakiin ganaaxu wuxuu ku badan yahay haweenka aan la qabin iyadoo dusha loo saarayo ganaax dhan 10 kun oo Rupee oo u dhiganta 180 doolar.

Manuwar Alam oo sii faahfaahinayey go’aanka ay ka qaateen isticmaalka mobile-da ee haweenka wuxuu sheegay in ay kordheen arimaha haasawaasha iyo gabdhaha ka cararaya guryahooda, isagoo sheegay in ugu yaraan lix gabdhood ay ka baxsadeen guryahoodii bilihii la soo dhaafay.

“Xitaa haweenka la qabo ayaa ragooda dayacaya, iyadoo taasi ugu wacan tahay rag ay iska heleen khadkad telefoonada, waxaana go’aan ku gaarnay in arintaasi aan xakameyno taasi oo dhibaato sumcad xumo ah ku ah bulshadeenna” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Manuwar Alam.

Laakiin go’aankan waxaa la sheegay in maamulka gobolka Patna uu ka biyo diidsan yahay, waxaa sidoo kale soo baxaysa diidmo xoogan ka imaanaysa ururada bulshada deegaankaasi, kuwaasi oo sheegay in arintan ay dhibaato ku tahay madaxbanaanida iyo shakhsiyada qofka.

Ururada haweenka u dhaqdhaqaaqa ayaa ku tilmaamay go’aankan mid ka horimaanaya xuquuqda haweenka, iyagoo sheegay in xitaa hadii haweenaydu u baahato inay la xiriirto ehelkeeda ama ay u baahato gargaar caafimaad in ganaaxaasi uu saameyno.

“Haweenka iyo gabdhuhuba waxay u leeyihiin awood inay naftooda ilaaliyaan, waxaana loo sameeyey Technology-da in laga faa’ideyso balse in la mamnuuco waa lallabo iyo yaq yaqsi” ayay tiri Suman Lal oo ka mid ah dadka go’aankan sida weyn uga soo horjeeda oo ka qayb galayey dood telefishin oo arinkan looga doodayey.

Mohammad Islam oo isaguna arimaha bulshada u dhaqdhaaqa ayaa docdiisa wuxuu sheegay in ay ku tahay ceeb golaha deegaankaasi go’aanka, isagoo xusey inay iska indho tirayaan faa’idada telefoonku leeyahay, iyagoo hal arrin u mamnuucaya.

Mowliid Xaaji Cabdi


Shabakada Warqabad24.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Warqabad24@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




A

B

ciil mooge Dhageyso:Wasiirka Warfaafinta oo saaka dalka kusoo laabtay kana warbixiyey Safarkiisii Dalka Turkiga
- May 3, 2013
Wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Somaliya C/llaahi Ciilmooge Xersi ...
1 Jose Mourinho oo la shaaciyey Wakhtiga rasmiga ah uu Chelsea ku laaban doono iyo Taageerayaal ku farxay arintaas
- May 3, 2013
Macalinka Kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa waxa la sheegay inay casho wadaag noqdeen ...
b6 Naadiga Benfica oo si dhib badan kusoo gaartay Finalka Koobka Uefa Cup-ka (DAAWO SAWIRADA)
- May 3, 2013
Labo gool uu dhaliyey  Cardozo  iyo goolka uu dhaliyey laacibka Gaitan ayey Naadiga Benfica ...
8 Kooxda Chelsea oo Finalka Koobka Europe League soo istaagtay kadib markii ay ka badiyeen Fc Basle (DAAWO SAWIRADA)
- May 3, 2013
Gool uu udhaliyey Naadiga Fc Basle ee dalka Swizarland Wiilka Masar udhashay ee Maxamed ...
amin iyo faroole Amin Arts oo Sawir gacmeedkiisa ku garaacay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole (SAWIR)
- May 3, 2013
Farshaxamiiste Amiin Amir ayaa sawir gacmeed la yaab leh ka sameeyey Kulamadii ugu dambeeyey ...
SHIISHAD Shiishada oo la sheegay in laga qaado in qofka cabaa uu noqonayo Ma dhaleys (Wax ma dhale)
- May 2, 2013
Qaar ka mid ah Meelo la iskugu tago magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayey cabista ...
MUSLIMIINTA BARMA Muslimiin Adduunka lagu ciqaabay iyo Gabdho nolol iyo geeri midna aan ku jirin Dalka…….?+SAWIR CADEYN AH
- May 2, 2013
Dalka MYNMAR ama BURMA ayaa waxa la tilmaamayaa in xaalad adag ay ku jiraan ...
jjj Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka oo ugacan haatiyey Taajiriinta Somaliyeed (WARSAXAAFADEED)
- May 2, 2013
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay dadka ...
cali axmed guure Dhageyso:Gudoomiye yiri “Isku xirnaan iyo Wada shaqeyn ayaa hormar lagu gaaraa shacabka Muqdishoow”
- May 2, 2013
Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Cali Axmed Guure ayaa waxa uu ku ...
bariise Dhageyso:20-sano kadib oo Saldhig kuyaalla Muqdisho oo maanta mar kale la qalabeeyey Ciidamana la geeyey
- May 2, 2013
Iyadoo dhamaan maamuladii dalka soo maray kadib Siyaad Barre dawladiisii ayaa maanta markii ugu ...